Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo Shaqada Laga Cayriyey

Published: March 10, 2017

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Park Geun-Hye ayaa shaqada laga joojiyey, waxaana lagu dhawaaqey in dalku gelaayo doorasho Madaxweyne muddo laba bilood ah gudaheed.

Maxkamadda sare ayaa go’aankan gaartey kadib markii baarlamaanku u soo jeediyey in xilka laga qaado haweeneyda dalkaas Madaxeweynaha ka ahayd.

Sababta xilka looga qaadey Mrs.Park Geun-Hye ayaa ah musuqmaasqu iyo ku-takrifal awoodeeda.

Bishii Diseembar 2016 ayaa Baarlamaanku go’aamiyey in xilka laga xayuubiyo taas oo sugeysey Maxkamadda sare, kadib mudaaharaado rabshado wata oo looga soo horjeedey marwo Park.

– Park Geun-Hye waxay dhaawacdey wakiilnimadeedi dimoqraadiyadda iyo sharciga. Denbiyada ka dhanka ah dastuurka jebinta sharciga iyo khiyaanada ay ku samaysey shacabka ayaa xilka looga qaadey ayuu yiri qaadiga us areeya maxkamadda sare Lee Jung-Mi

Park ayaa ahayd madaxweynihii u horeeyey ee Haween ah oo Kuuriyada Koonfureed Madaxweyne ka noqota, waxaa la doortey sanadkii 2012. Park waxaa dhalay keligii taliyihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Chung-Hee kaas oo ka talinaayey dalkaas 1961-1979.

Park Geun-Hye ayaa laga xayuubiyey xasaanadda u diidi karta in maxkamad la horgeeyo, waxaana ay u badan tahay in lagu soo oogo dacwad la xiriirta laaluush ay ka qaadatey shirkadda Samsung.

Hadda waxaa la sugayaa in doorasho cusub ay dhacdo muddo laba bilood ah gudaheed, waxaana ay u badan tahay in xisbiga mucaaradka musharax ka socdaa uu ku guuleysto tartanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *