Madaxweynaha Puntland oo safaro shaqo ugu baxaya dalka dibadiisa

Published: March 10, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in uu safar ugu baxo dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, sida Horseed Media ogaatey.

Madaxweynaha ayaa ku hormaraya dalka Itoobiya halkaas oo shirar kula qaadan doonto shirkad laga lee yahay dalka Shiinaha oo dooneysa baritaanka shidaalka iyo macdanta Puntand, Soomaaliya.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa booqan doona dalka Imaaraadka Carabta waxaana uu kala hadlaaya iskaashiga dhaqaalaha gaar ahaan dhamaystirka heshiiskii hormarinta dekadda Boosaaso oo ay dooneyso shirkadda DPWorld taas oo horey loogu wareejiyey dekadda Berbera.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *