Duufaanta Enawo oo dad badan ku dishey Jasiiradda Madagaskar

Published: March 11, 2017

Dufaanta Enawo ayaa ku dhufatey Jasiiradda Madagaskar ee Badweynta Hindiya.

Ugu yaraan 38 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashadooda halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 180 qof.

Qiyaastii dad gaaraya 53 000 ayaa ku khasbanaadey in ay isaga baxaan guryahoodi, sida ay sheegtey hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaas. Caasimadda dalkaas ee Antananarivo waxaa duufaantu saameysey dad ka badan 32 000 oo qof.

Duufaanta Enao ayaa saameyn xooggan ku yeelatey Waqooyi Bari ee Madagaskar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *