Hay`adda biyaha iyo tamarta Puntland ee PASSAWEYN oo markale daah-furtay mashruuca biyo dhaaminta-Sawiro

Published: March 11, 2017

Hay`adda biyaha iyo tamarta Puntland ayaa si rasmi ah magaalada Bosaso uga daah-furtay biyo dhaan ay Puntland ugu tala gashay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu saameysay

Biyo dhaankaasi ayaa waxaa loo diyaariyey 12-kun oo booyadood oo laga qeybinayo guud ahaan gobolada Puntland.

Munaasibadda daah-furka biyo dhaanka oo ay goob joog ahaayeen xubno katirsan golaha wasiirada Puntand ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley gudoomiyaha hay`adda biyaha iyo tamarta Puntland Maxamad Salaad oo sheegay in dhammaan biyo dhaanka si siman loo gaarsiinayo guud ahaan gobolada Puntland .

Xildhibaan Liibaan Cabdullaahi oo xubin ka ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland , Wasiirka Howlaha Guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladdaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhaweeyey biyo dhaankan la daah-furay , waxaana ay umadda Soomaaliyeed Alle uga baryeen in abaarta haysata ka dulqaado , shacabkana waxay ku booriyeen inay sii wadaan dadaalka ay dadkooda abaartu saameysay la garab taagan yihiin .

Horey mashruucan waxaa u daah-furay madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, waa mashruucii labaad ee loogu gurmanayo goobaha ay abaarta saameysay.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *