Nabadoon Xarago oo xoriyadiisa dib u helay

Published: March 11, 2017

Nabadoon Cabdiqaadir IbraahiM Xarago ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib in ka badan 2 todobaad uu ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaso.

Nabadoonka ayaa la xiray kadib markii uu ka hadlay xakun lagu riday 7 dhalinyaro oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Shabaab.

Sii deynta nabadoonka ayaa la sheegayaa in ay timid kadib markii ay wada kulmeen madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo waxgaradka beesha naboon xarago.

Puntland ayaa fartay nabadoonka in uu ka shaqeeyo nabadda iyo hormarka Puntland isla markaana ka fogaado wax walba oo lid ku ah amniga deeganada Puntland.

Nabadoon Xarago ayaa ah nabadoon badanaa ka hadla arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *