Ciidamo gadoodsan oo xirey qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho -SAWIRO

Published: March 12, 2017

Ciidamada Milteriga ee Dowladda Federaalka SNA ayaa gudaha u soo galey magaalada Muqdisho waxaana ay xireen in badan oo kamid ah waddooyinka muhimka u ah isu socodka magaalada sida Km4.

Ciiidamadu waxay ka cabanayaan mushahar la’aan muddo 12 bilood ah, waxaana ay sheegeen in aysan ka baxayn magaalada ilaa la siiyo mushaharkooda. Ciidamada ayaa amrey in la xiro suuqa weyn ee Buula Xuubey, waxaana dadku u kala dareereen guryahoodi.

Gaadiid badan ayaa jidadka safaf dhaadheer galay, waxaana xaaladdu noqotey mid aad u cakiran.

Ma jirto ci ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadashey ciidanka. Subaxnimadii maanta waxaa soo abxay war sheegaya in raysalwasaaruhu amrey in l bixiyo mushaharka shaqaalaha oo aan la bixin tan iyo bishii Seteembar 2016.

Gadoodka cidamadan ayaa noqonaya kii u horeeyey tan iyo doorashadii Soomaaliya ee uu ku soo abxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana madaxda Federaalku aad ugu mashquulsan tahay dhismaha xukuumaddii federaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *