Hawlgal ballaaran oo ka dhan ah al-Shabaab oo Jubbooyinka ka bilaamaya

Published: March 12, 2017

Kismaayo xarunta gobolka Jubada Hoose ahna xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq ballaran iyo diyaargarow guluf colaadeed oo ka dhan ah al-Shabaab.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaadi doonaan duulaan ballaaran oo ay al-Shabaab uga saarayaan qaar kamid ah magaalooyinka Jubbooyinka ku yaala iyo weliba gobolka Gedo.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo casri ah oo ay ku rakiban yihiin qoryaha culus ayaa soo gaareyn Jubbaland kuwaan oo aan la sheegin dalka iska leh.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in hawlgalkan ay wada fulinayaan ciidamo Soomaali ah kuwa Kenya ee KDF iyo weliba ciidamo gaar ah oo ka socda Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *