Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay Alle bari iyo Roob doon isugu soo baxaan”

Published: March 12, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in maalintaTalaadada ah ee soo socota ay tahay Maalinta Alle-bariga iyo Roob-doonta.

Mudane Farmaajo ayaa baaqan jeediyay keddib markii uu kulama dhawr ah la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo Culumada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay laabta isu furaan si Eebe uga dulqaado colaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay Alle bari iyo roob doon isugu soo baxaan maalinta Talaadada ah, 14ka Maarso, 2017, keddibna ay is cafiyaan, oo ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.”

Waxa uu ka codsaday Madaxweynaha ganacsatada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada ku baaba`aya abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ololaha Gurmad Qaran oo uu hoggaaminayo Ra`iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, isaga oo ku baraarujiyay ganacsatada iyo qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa mar kale codsi u diray dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo hay`adaha gargaarka in ay gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Faafin Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *