Shaqaalaha dekadda Berbera oo shaqo joojin sameeyey

Published: March 12, 2017

Inta badan shaqaalaha dekedda Berbera ee Somaliland ayaa sameeyay shaqo joojin iyo bannaan bax ay kaga cabanayaan shirkadda DP World ee 1-dii bishan Maarso la wareegtay maamulka dekaddaasi.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf ayaa laanta Afk-Soomaliga ee BBC-da u sheegay in shaqaalaha ay ka cabanayaan mushaharka shirkaddaasi.

Waxa uu nitaasi ku daray Jaamac Yuusuf in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

…Shaqaalaha waxaa lagu amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena kuwo ajaanib ah la keeenayo iyadoo shaqaalaha qaarkood la xir-xiray, rasaasna lagu riday ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf

Ilaa iyo hadda maamulka shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *