USA: Trump oo laga codsaday inuu soo bandhigo cadeynta eedeyntii uu dusha uga tuuray Obama – VIDEO

Published: March 12, 2017

Baarlamaanka Maraykanka ayaa illaa isniinta beri ah u qabtay Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Trump inay kusoo bandhigto cadeynta eedaynta Donald Trump uu la beegsaday Madaxweynihii ka horeeyey Barack Obama.

Trump ayaa todobaadkii hore sheegay in xiligii uu ololaha doorashada ku jiray Madaxweynihii xiligaasi Barack Obama uu si sharci daro ah telefonadiisa ku dhageystay, arrintan oo ka horimaaneysa sharuucda dalkaasi.

Donald Trump ayaa illaa iyo hada wax cadeyn soo bandhigin eedeyntan culus ee uu la beegsaday Madaxweynihii ka horeeyey. Arrintan oo ay hada ku raadjoogaan xildhibaanada labada Aqal ee Maraykanka.

Hay’ada Danbi baarista Maraykanka FBI oo xiligan baareysa xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka, ayaa iyadu la sheegay inay ka codsatay Wasaarada Cadaalada inay si cad u qirto inaysan waxna ka jirin hadalka Trump ee uu ku eedeeyey Madaxweynihii hore.

Dadka falanqeeya Siyaasada Maraykanka ayaa sheegaya in eedeynta Trump ee Obama uu ku deg degay ayna dhaawac siyaasadeed u keeni karto.

Trump ayaa la rumeysan yahay inuu warkan uusan iska hubin kasoo xigtay qaar kamid ah Saxaafada xagjirka ah ee isaga taageera isagoona aan kala tashay hay’adaha dalkaasi ku baahiyey eedeynta Obama bartiisa Twitterka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *