Xiisad siyaasadeed oo ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Netherland – VIDEO

Published: March 12, 2017

Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhex aloosan dalalka Turkiga iyo Holand, kadib markii dalka Holland loo diidey wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, sidoo kale xuduudka laga saarey wasiirka arrimaha qoyska.

Xiidadda ayaa ka dhalatey kadib markii loo diidey wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu Mevlüt Çavuşoğlus in uu ka dego dalkaas si uu uga qayb-galo ol-ole siyaasadeed oo loo qabanayo aftida dastuurka ee dalka Turkiga oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka Turkida ah ee ku nool dalka Holland, isu soo baxa lagu taageeryo wax ka beddelka dastuurka ayaa ka dhacaysey magaalada Rotterdam.

Waddamada Owsteeriya & Iswitserland ayaa iyaguna sheegay in aysan oggolaneyn in isu soo bax siyaasadeed ee dal kale lee yahay lagu qabto dalkooda, Jarmalka ayaa iyaguna diidey, inkasta oo dalalka Sweden iyo Faransiiska ay si habsami leh uga qabsontey ol-olaha xisbiga talada Tukiga haya ee AKP.

Madaxweynaha Turkiga ayaa canbaareyn xoggan dusha uga tuurey ficilada dalka Yurub gaar ahaan Holland waxaana uu ku tilmaamey kuwo leh dhaqamadii Fashiistiga iyo weliba Naasiyiintii Jarmalka.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in safiirkii Holland xanibaad lagu so rogey oo aan dalka lagu soo dhaweyneyn isaga oo hadda ku maqnaa fasax. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in Turkigu sidaas u yeelay arrimo nabadgelyo darteed inkasta oo aysan xaqiijin halka ay ka soo xigteen.

Raysalwasaaraha Holland Mark Rutte ayaa falcelinta Erdogan ku tilmaamey mid waali ah.

– Waan dareemi karaa in ay aad u caraysan yihiin Turkigu, arrintan muddo dheer ma sii soconeyso, laakiin anagu go’aan sax ah ayaan gaarney ayuu yiri Raysalwasaaraha Holland Mark Rutte.

Turkiga ayaa ku hanjabey in ay cunno qabateyn ku soo rogi doonaan dalka Holland oo ay qiime ugu kici doonto sida xun ee loola dhaqmey Wasiirkooda arrimaha dibadda.

Fatma Bet├╝l Sayan Kaya Wasiirka arrimaha qoyska oo loo diidey dalka Holland

Maantey ayaa dalka Holland mar kale waxay dalkoda ka soo masaafuriyeen Wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan, oo isku daydey in ay dhanka dhulka ka soo gasho Holland iyada oo ka timid Jarmalka.

Dalka Turkiga ayaa qabanaya afti dadweyne oo wax looga bedalayo Dastuurka, taas oo kor u qaadeysa awooda Madaxweynaha kana dhigeysa in isagu soo magacaabo Raysalwasaaraha halka marki hore la soo dooran jirey.

Qiyaasta aftida ayaa ah mid aad isugu dhaw taas oo kaliftey in Siyaasiyiinta Turkigu si weyn uga dhex ololeeyaan Qurbejoogta Turkida ee ka qaybqaadaneysa doorashada kuwaas oo ku kala nool dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Sweden, Osteeruya, Jarmalka iyo weliba Boqortooyada Holland.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *