Garoowe:Taliye Jimcaale oo Raalin Ka Bixiyay Gadoodkii Ciidamadiisa-Dhagayso

Published: March 13, 2017

Taliyaha Ciidamadda Kumaandooska Danab Col Jimcaale Jaamac Takar ayaa markii u horraysay cadeeyay in ciidamadii gadooday, islamarkaana qabsaday Kontoraaladda iyo Barlamaanka Puntland ee Caasimadda ay Garoowe ay ka mid ahaayeen Ciidamadda Kumaandooska, isagoo ka raalin-geliyay dowladda iyo shacabka reer Puntland dhibaatadii ka dhalatay gadoodkaas.

Taliyaha ayaa iska fogeeyay inuu wax ka ogaa gadoodkaas, Wuxuu sheegay in ayan u dhamayn ciidamada kumaandoosku oo ku koobnaa askar u badnaa dhalinyaro, wuxuuna meesha ka saaray in siyaasadi ay ka dambaysay .

” Waxaan cadaynayaa in gadoodkii halkan ka dhacay ciidanka Kumaandoosku aysan u dhamayn, siyaasadina kama dambayn, tabashadiina waa la xaliyay, Dowladda, Odoyaasha dhaqanka iyo annaguba waan ka qaybqaadanay” ayuu yiri Taliyaha Jimcaale

“waa ka xumaa arrintaas, iskumana raacsanayn, annigaa cadaynaya oo taliyihii ciidamada ah, Ciidan iyo dowladiisa cabasho wax dhaafsiisan ma jirto, Ciidanku dowladda waa taageersan yahay, sida cad ayaan ula shaqaynaynaa waa dhammaatay, mar dambe dib u dhici mayso” ayuu sii raaciyay

Dhinaca kale,Kullan maalintii shalay ka dhacay Kantoroolka galbeed ee Magaaladda Garoowe oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Degmadda Garoowe, Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamadda Puntland iyo Odoyaasha dhaqanka ee gobolka Nugaal ayaa ka dib wadahadal socday muddo dhowr maalmood ah waxaa lagu dhawaaqay in heshiis laga gaaray cabashada ciidamadii Gadooday, kuwasoo dib ugu laabtay xeryahoodii.

Ciidamado Gadoodsan oo ka cabanaya mushaharaad iyo xuquuqo kale oo ka maqan ayaa shan maalmood ka hor qabsaday Kontroolka Galbeed ee magaaladda Garoowe, kuwaaso xanibay isku socodkii wadada, islamarkaana joojiyay cashuurihii laga qaadi jiray baabuurta xamuulka sida, inkastoo markii dambe ay furay isku socodkii gaadiidka..

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *