Holland oo raali gelin ka codsatay Turkiga – VIDEO

Published: March 13, 2017

Raysalwasaaraha Holland Mark Rute ayaa raali gelin ka codsaday Madaxda dalka Turkiga oo wadankiisa ku tilmaamay xarunta cunsuriyiinta iyo Nazi-ga.

Mr.Rute ayaa Axadii shalay sheegay inay tahay aflagaado weyn in lagu tilmaamo dalkooda xarunta Nazi-ga ama fashiistaha, isagoo sheegay in dalka Holland uu kamid yahay wadamadii dhibaatada badan u geysteen Nazi-gii Hitler dagaalkii 2aad ee dunnida. Wuxuuna sheegay in Turkey looga baahan yahay inay hadalkan raali gelin ka bixiyaan.

Balse waxaa muuqata in codsiga Holland uu ku dhicin dhegaha Madaxda Turkiga.

Cambaareynta Turkiga ee Holland oo sii socota

Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu oo sabtidii laga soo celiyey hawada dalka Holland xili uu doonayey inuu ka qeyb qaato banaanbax ay lahaayeen jaaliyada Turkida Holland ayaa ka qeyb galay isusoo bax kale oo ay Axadii shalay dhigeen jaaliyada Turkida ee dalka France, wuxuuna khudbad uu banaanbaxaasi kasoo jeediyey uu markale ku celiyey in dalka Holland uu yahay xarunta cunsuriyiinta Yurub.

Aftida Dastuurka Turkiga

Xiisadan ayaa ka dhalatay ololaha dowlada Turkiga ku dooneyso inay ka dhex sameyso Jaaliyadaha Turkida ku nool dalalka Yurub oo ay ku dhiiri gelinayaan inay codkooda ku taageeraan Aftida la doonayo in wax looga bedalo Dastuurkiga wadanka Turkiga oo awood dheeraad ah siin doona Madaxweyne Erdogan.

Diidmada qaar kamid ah dalalka Yurub

Dalalka Yurub ayey ku nool yihiin Malaayiin asalkoodu yahay Turki oo cod xoogleh ku biirin kara aftida Dastuurka cusub ee Turkiga, balse wadamada Yurub ayaa qaarkood sida Holland, Germany iyo Austria ayaa diidan in Xukuumada Turkiga olole noocaan ah ka sameyso gudaha dalalkooda, iyagoo ku doodaya in Xukuumada Turkiga ololaheeda ku ekayso dhulkeeda.

Dowlada Holland ayaa sabtidii u diiday inay soo cago dhigato diyaaradii siday Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga oo ka qeyb gali lahaa kulankaasi ka dhacayey Qunsuliyada Turkiga ku leeyahay magaalada Rotterdam, waxayna isla habeenkaasi dalkooda ka saareen wasiirada Arrimaha bulshada ee Turkiga oo gaari dalka kusoo gashay.

Tilaabooyinkan ayaa keentay carada iyo cambaareynta ka timid Madaxda Turkida.

Doorashada Holland

Wadanka Holland ayaa Arbacada soo socota ay ka dhaceysa doorashada guud, arrintaasi oo keentay inay joojiyaan banaanbaxyada la filayey inay dhigaan Turkiga ee lagu taageerayey Erdogan.

Xukuumada Holland ayaa ka cabsi qabtay in banaanbax noocaas ah uu sare usii qaado taageerada Xagjiriinta Holland ee naceb dadka soogalootiga ah, arrintaasi oo guul siyaasadeed siin karta xisbiga Mucaaridka xagjirka ah ee PVV ee uu hogaamiyo Xildhibaanka Muslimiinta naceb ee Geert Wilders.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *