Raysalwasaare Kheyre oo kormeeray xarunta isku xirka gurmadka Abaaraha ee UN-ka

Published: March 13, 2017

Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Isku Xirka Gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay`addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hay`addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gar-gaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gar-gaarka deg-degga ah, gaar ahaan dawladda iyo Qaramada midoobey, maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay`addo kale.

Ra`iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku deg-deg ugu gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *