Wefdi heer sare ah oo ka socdey WFP ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Qardho -SAWIRO

Published: March 13, 2017

Wefdi heer sare ah ayaa maanta oo isniin ah ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar ee Puntland, Soomaaliya.

    Wefdigan waxaa kamid ahaa:

  • Valerie Guarnieri Madaxa WFP ee Bartmaha iyo Bariga Qaaradda Afrika
  • Ramiro Lopes da Silva Kaaliyaha Agaasimaha WFP
  • Laurent Bukera, madaxa WFP ee Soomaaliya
  • Amor ALMAGRO Xafiiska warfaafinta ee WFP, Public Information Officer
  • Jonathan Dumont: Madaxa Telefishanka iyo xiriirka
  • Karel oo ahaa sawir qaade

Wefdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Qardho ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Axmed Cismaan Cilmi, Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulqaadir Siciid Carshe, Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada wefdiga ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda dadka abaaruhu saameeyeen, cunno yaraanta dalka ka ka jirta iyo sida ay u socoto hawlaha gar-gaarka ee ay bixiso hay’addu.

Wefdiga WFP ka socdey ayaa booqasho ku tegey tuulada Yaka oo 30km Qardho uga beegan dhanka Koonfureed halkaas oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ku cayrobey abaarta, waxaana ay qayb ka yihiin barnaamij WFP bixiso oo lacag loogu shubaayo kaarar kuwaas oo ay ku gadanayaan raashin, waxaana hay’adda kala shaqeysa hay’ad maxali ah oo la yiraahdo PDO.

Sidoo kale wefdiga ayaa booqasho ku tegey meel Daam ah oo loogu talo galay xiliga roobka in biyaha lagu cesho, waxaana Injineer Cabdulqaadir Yaasin oo dhisey sheegay in ay qaado 15000 mitricube, waxaana ka faaideysanaya dadka soo barakacay ee deggan meel ku dhaw. Wefdigu waxay booqdeen dukaamada raashinka ay ka qaataan dadka abaartu sameysey, kuwaas oo raashinka ku qaata karar isla markaana laga reebo Suul. Sidoao kale wxaa wefdigu booqdeen goob raashin loogu qaybinaayey dadka abaaruhu saameeyeen ee cayrta ah.

Maamulka gobolka Abdulqaadir Carshe iyo duqa demada Qardho Cabdi Siciid ayaa u gudbiyey wefdiga baahida taagan oo ay ugu daran tahay dadkii u hayaamey dhulka gobolka Karkaar ee ka yimid Sool iyo Togdheer oo dib u laabanaya kuwaas oo aan haysan ax sahay ah.

Wefdiga ayaa sheegay in ay si weyn ugu bogeen xaaladda nabadeed ee magaalada Qardho ka jirta oo aysan ku arag wax dhib ah isla markaana shaqada ay u kur galeen ay ka heleen warbixino ay dib ula noqonayaan.

Todobaadkii hore waxaa Qardho ka soo degtey diyaarad kale oo sidey wefdi ka socdey Hay’adda FOA, waxaana ay magaalada ku sugnaayeen habeen iyaga oo u kuur galay xaaladda abaarta iy dhibaatada ka dhalatey ee cunno yaraanta.

Qaramada Midoobey ayaa soo saartey digniintii u dabeysey oo ku aadan xaaladda abaarta ee ka taagan dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed iyo weliba dalal kamid ah Galbeedka Afrika, waxaana ay xaaladda ku tilmaameen midii ugu khatarta badneyd ee dadka soo wajahda tan iyo dagaalkii labaad ee dunida 1945.

Magaalada Qardho oo si weyn ugu tiirsan xoola dhaqatada ayaa waxa saameyey abaarta, waxaana magaalada daafaheeda deggan dad xoolihii dhaafeen kuwaas oo xaaladoodu tahay mid aad u xun.

Xiligii la sugi jirey biyaha guga ayaa albaabka taagan waxaana masaajida qaarkeed ka bilowdey in Imaamyadu qunuutaan salaadda dhex-deeda, iyaga oo rabbi weydiisanaya in uu abaarta ka saaro isaga keliyana uu wax ka qaban karo dhibaatada taagan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *