Burcad Badeed Soomaali ah oo la sheegay inay afduubteen Markab laga leeyahay Imaaraadka

Published: March 14, 2017

Waxaa baaritaan lagu wadaa wararka sheegaya in koox burcad badeed Soomaali ah ku guuleysteen inay qafaashaan Markab shidaal sida oo laga leeyahay Dubai, kaasi oo sitay Calanka dalka Sri Lanka.

Markabkan oo laga afduubay Isniintii shalay Badweynta Hindiya ayaa la sheegay inuu hada ku sugan yahay nawaaxiga Raas Caseyr iyo xeebaha ku dhaw degmada Caluul ee Puntland Soomaaliya.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Aris 13 waxaana saarnaa 8 shaqaalo ah, shirkada Markabkan maamusha ayaa lagu magacaabaa Aurora Ship Management oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Warar dheeraad ah lagama hayo kooxda afduubka geysatay, balse waxaa la xaqiijiyey in markabkan xiligii la wareeray uu fariin u diray shirkadii lahayd. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in kooxda afduubatay Markabkan ay gaarayaan 8 nin oo aad u hubeysan.

Sanadihii lasoo dhaafay ayey hoos u dhacday tirada Maraakiibta ay afduubtaan burcad badeeda Soomaalida oo afduubkii ugu badnaa geystay intii u dhaxeysay sanadihii 2010 iyo 2012.

Afduubkan ayaa kusoo aaday xili mudooynkii danbe ay biyaha Soomaaliya kusoo bateen maraakiibta jariifka oo qaarkood fasax ka heysta maamulada dalka ka jira, walow Markabkan hada la afduubtay uusan ahayn kuwa jariifka ama kaluumeysiga mana cada inuu marayey biyaha Soomaaliya ama biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya.

Dhinaca kale afduubkan ayaa sidoo kale kusoo beegmay Xili Madaxweynaha Puntland uu safar ugu baxay dalka Imaaraadka ee la sheegay in ay tahay xarunta shirkada Markabkan u shaqeeyo, dalkaasi Imaaraadka oo dowlada Puntland gacan kasiiya tababarida ciidamadeeda Badda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *