Magacaabista Golaha Wasiirada Federaalka iyo Magacyada Dibadda u Soo Baxay

Published: March 14, 2017

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo liiska golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa kulamo kala geddisan la leh musharixiin aad u tiro badan oo xil doon ah, kuwaas oo ay ku kala saarayaan aqoonta, khibradda, daacadnimada iyo kartrida ay leeyihiin.

Waxaa jirey caqabado hore oo wararku sheegayaan in hadda laga gudbey waxaana ka mid in wasiir loo magacaabi karo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Horseed Media oo isku daydey in ay hesho magacyada saxda ah iyo kuwa ay u badan tahay in la magacaabo oo marar kala duwan la kulmey Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha aadna loo hadal hayo waxaa kamid ah:

Beesha Daarood:

  1. Siciid Daahir Bootaan (Warsangeli /Ogeyslabe)
  2. Sharmaarke Maxamed Faarax-yare (Majeerteen/Cismaan Maxamuud)
  3. Jaamac Cabdullaahi Caydiid (Dhulbahante/ Bah-hararsame) ama Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi-Xaashi(Dhulbahante/Qayaad)
  4. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi (Leelkasae)
  5. Maxamed Jamac Mursal (Ugaadeen/Cawlyahan)

Beesha Hawiye

  1. Maxamed Abuukar Islow (Abgaal, Harti )
  2. Cabdirisaaq Cumar Maxamed (Xawadle) ama Cabdullaahi Sanbalooshe
  3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Habargidir, Cayr)
  4. Maxamed Mukhtaar Ibraahim (Gaaljecel)

Dir

  1. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle (Godabiirsi)
  2. Saalax Axmed Jaamac (Isaaq /habaryoonis)

Digil & Mirifle

  1. Cali Siciid Fiqi (Digil)
  2. Cabdixakiin Xaaji Fiqi (Digil)
  3. Cabdifataax Geesay (Mirifle)

Beesha Shanaad

  1. Cabdirashiid Siraaji (Reer Aw-xasan)
  2. Siciid Xusen Ciid ( Carab-Salax)
  3. Maryan Qaasim (Kulmis)
  4. Maryan Aweys (Jareerweyne)

Musharixiinta kale ayaa jirta oo badan kuwaas oo aan qaarkoodna helin magacyadooda qaar kalena rajadoodu hoos u dhacdey kuwaas oo xirxirtey boorsooyinkooda.

Liiska kore ayaa ah kii u danbeeyey ee Horseed ka hesho xubno ku dhaw madaxda federaalka waxaana dhici karta in ay wax iska bedakaan mar kasta.

Golaha Wssiirada ayaa lagu wadaa in ay ka kobnaadaan 25-26 wasiir sida xogtu sheegayso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *