Puntland oo ka hadashay markab ay afduubteen koox burcad badeed ah

Published: March 14, 2017

Madaxda Puntland-Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay markab la sheegay in ay afduubteen koox burcad badeed ah , waxa ayna sheegeen in ay abaabulayaan ciidamo soo furta markabkaasi.

Cali Shire Maxamuud Cismaan oo ah gudoomiyaha degmada Caluula ayaa warbaahinta u sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin burcad badeed, balse nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka markabka afduubtay ayaa isna saxaafadda u sheegay in ay yihiin kalluumeysato.

Markabka ay soo afduubeen kooxda hubaysan ayaa la geeyay meel u dhow xeebta Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland-Soomaaliya.

Waxaa markabka lagu magacaabaa ARIS 13, isla markaana ka soo shiraacday magaalada Jabuuti kuna sii socday magaalada Muqdisho .

Toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Sirilanka ayaa saaran markanka.

Puntlabd ayaa leh ciidan qaabilsan dhinaca badda, waxa ayna howl galo ka sameeyaan xeebaha Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *