Turkiga oo dalkiisa u diiday Safiirka wadanka Holland

Published: March 14, 2017

Xiisada ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Holland ayaa sii socota, xukuumada Ankara ay dalkeeda ka mamnuucday inuu dib ugu soo noqdo Safiirkii Holland u fadhiyey Safaarada Ankara.

Go’aankan kasoo baxay Xukuumada Turkiga ayaa lagu soo beegay xili Holland ay ka codsatay Turkiga inuu raali gelin ka bixiyo in wadanka Holland ku tilmaameen Nazi iyo cunsuriyiin.

Turkiga ayaa dhankiisa doonaya in raali gelin laga siiyo in Wasiirada ka socda dalka Turkiga loo diiday inay booqdaan isu soo bax ay dhigayeen Jaaliyada Turkida Holland oo loogu ololeenayey aftida Dastuurka Turkiga ee dhawaan dhici doonta.

Madaxweyne Erdogan ayaa si weyn uga careysan qaabkii Holland ugu diiday Wasiiradiisa inay dalka Holland tagaan iyo waliba qaabkii Booliiska Holland ulla dhaqmay banaanbaxyaal Turki ah oo mudaharaad ka dhigay magaalada Rotterdam oo ay rabshado ka dhaceen Sabtidii lasoo dhaafay, wuxuu Erdogan sheegay inay sii adkeyn doonaan tilaabooyinka ay ka qaadayaan diblumaasiyiinta reer Holland.

Waxaa sidoo kale la joojiyey dhamaan duulimaadkii Diblumaasiyiinta ee wadanka Holland inay isticmaalaan hawada wadanka Turkiga.

Raysalwasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in la xaliyo xiisadan faraha kasii baxeysa ee maalmihii lasoo dhaafay, balse wuxuu sheegay in Turkiga uu arrinta meel xun gaarsiiyey, isagoo intaasi raaciyey in Xukuumada Holland xaq u leedahay in dalkeeda maamusho oo aan lagu soo farogelin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *