Waxgarad ka horyimid Ugaas lagu caleema saaray magaalada Bosaso-Dhegayso

Published: March 14, 2017

Kulan ay ku yeesheen magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya waxgarad ka tirsan beesha Cali Xijiijle ayey sheegeen ugaas dhawaan lagu caleema saaray magaalada in uusan matalin beesha.

Odayaasha kulankaasi ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa ku simaha suldaanka beesha Cali Xijiijle Khaliif Ismaaciil Yuusuf, nabadoon Kaarshe Axmad Gallan, nabadoon Siciid Maxamad Jaamac, nabadoon Cumar Xaaji Cabdullaahi iyo waxgarad kale.

Dhammaan waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ugaaska la caleema saaray in uusan ka mid ahayn beesha.

Inta badan beelaha dega gobolada dalka ayaa waxaa soo kala dhex gala khilaaf xoogan, xiliga ay iska soo dhex saraayaan dhaqankii hogaamin lahaa.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *