Bangiga Amal oo daah-furay barnaamij kor loogu qaadayo ganacsatada yar-yar ee dumarka ah-Sawiro

Published: March 15, 2017

Bangiga Amal oo inta badan si weyn uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa waxa uu si siman uga bilaaway xarumihiisa kala duwan barnaamij kor loogu soo qaadayo ganacsatada yar-yar ee dumarka ah

Barnaamijkan oo ganacsatada lagu siinayo lacago amaah ah oo aan faa’ido la socon (Qardu Xassan) ayaa faraca bangiga ee magaalada Gaalkacyo waxa uu xaflad u qabtay 70 ka mid ah hooyooyin ganacsatada yar-yar ah oo ka faa’idaystay wajiga koowaad ee barnaamijka.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo iskugu jira ganacsato, hooyooyin, dhalinyaro, dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Mudug ayaa waxaa aad loo bogaadiyey talaabooyinka hormarka leh ee ay aAmal Bank markasta ka wado bulshada dhexdeeda.

Maamulaha Amal Bank ee gobolka Mudug Abdishakur Hersi Qureex oo xafladda furay ayaa ka hadlay ujeedka xafladdan loo qabtay iyo sida ay shirkadda Amal uga go’antahay markasta in ay ugu horayso waxtarka bulshada.

Abdishakur Hersi Qureexayaa sheegay in uu barnaamijkan aysan maanta u horayn una dambeyn ee uu yahay bilow ayna markasta garab taagan yihiin ganacsatada yar-yar.

Mr. Qureex ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan ay la socon doonaan tababarro joogto ah iyo la talin si ay ganacsatadu hab fiican ugu maamulaan ganacsigooda.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Hassan Mohamed khalif oo goobta ka hadlay ayaa aad u bogaadiyey sida ay Amal u garab taagan tahay ganacsatada yar-yar iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in uu goob joog u soo ahaa marmar badan Amal oo ka qayb qaadanaysa arimaha bulshada sida in ay lacago deeq ah ku wareejisay gudiyada abaaraha ee kala duwan, taageerista caafimaadka iyo waxbarashada.

Gudoomiyaha ayaa kula dar-daaramay haweenka loo sameeyey qardu xassanka in ay kaga faa’idaystaan hormarinta ganacsigooda isla markaasna ay ka faa’idaystaan aqoonta iyo tab barada la socda.

Mulkilaha Hotel Ajzeera Ahmed Mohamed Geelle ayaa aad u amaanay doorka Amal Bank ku leeyahay hormarka bulshada.

Madaxa hormarinta ganacsiga Amal Galkacyo Omar Abdulahi ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegyada Bangigu u hayo bulshada isaga oo u hambalyeeyey ganacsatada nasiibka u yeelatay in ay ka faa’idaystan wajiga kowad ee barnaamijkan.

Xaawa Mire Faarax waxay ka socotay wasaarada hawenka Caaqil Abdinasir Egal Hersi wuxu u hadlay dhaqanka waxay bogaadiyeen talabada Amal qaaday iyaga oo u hambalyeeyey ganacsatada yaryar

Bahda Amal Group oo uu ka tirsanyahay Amal Bank ayaa inta badan ka muuqata taageerista waaxyada muhiimka ah ee bulshada sida hormarka, waxbarashada iyo caafimaadka taas oo ay inta badan bulshadu ku bogaadiyaan

Faafin Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *