Buug loogu magac daray baxsad iyo baadi goob oo magaalada Bosaso lagu soo bandhigay-Sawiro

Published: March 15, 2017

Jaamacadda Bariga Afrika xarunteeda magaalada Bosaso ayaa lagu soo bandhigay buug uu qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Injineer Cabdirisaaq Cabdiqaadir Xirsi oo ku magac dheer Cabdirisaaq Abyad.

Buugga ayaa loogu magac daray Baxsad iyo Baadi goob, waxa uuna inta badan ka hadlayaa tahriibka.

Munaasabadda bandhiga buugaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahano, dhalinyaro, arday iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Liibaan Axmad Shire madaxa xarunta cilmi baarista ee geeska Afrika kana faalooda arrimaha siyaadda oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ay wax weyn tahay in uu qofka wax qoro, hadhowna dadka uu u soo bandhigo, buugana uu yahay mid weyn oo qiimo ku leh bulshada dhexdeeda.

Maxad Khaalid oo ka socday jaamacadda Bariga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay buuga uu soo bandhigay qoraa Cabdirisaaq Abyad.

Axmad Maxamuud Hiirad oo ah madaxa shirkadda Ziada Service oo ahayd shirkaddii isu soo daba riday soo bandhhigada buugga iyo Siciid Abshir oo ah madaxa xarunta AHDA ayaa sheegay in buugga baxsad iyo baadi goob uu yahay buug ka hadlaya xaaladda dhabta ah ee heysata dhalinyarada wadanka.

Qoraa Cabdirisaaq Abyad oo ugu dambeen ka hadlay xafladda ayaa sheegay in buugga uu ka hadlayo kheyraadka wadanka, dad badan oo tahriibay oo wadanka dib ugu soo laabtay iyo dhibaatada tahriibka.

https://www.youtube.com/watch?v=5VeoatRLIC4&feature=youtu.be

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *