Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo dalka ka masaafurisay labo nin oo Kenyan ah-Sawiro

Published: March 15, 2017

Hay`adda socdaalka iyo jinsiyadda dowladda federaalka ah ee Soomaliya ayaa dalka ka masaafurisay labo nin oo Kenyan ah oo sida la sheegay dalka sharci daro ku joogay kuna shaqeysanayay.

Saraakiil ka tirsan hay`adda socdalka iyo jinsiyadda qeybta dabagalka ayaa gacanta ku soo dhigay labadan nin waxaana dib loogu celiyay dalka Kenya.

Hay`adda ayaa labadan nin ka mamnuucday in mar dambe ay dib ugu soo laabtaan dalka, waxaana dhammaan waaxyada ha’y`adda lagu wargaliyay in ay ka feejignaadan cid kasta oo dalka sharci daro ku joogta

Waaa markii ugu horeysay ee xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee dalka ka masaafuriso dad ajanabi ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *