Holland: Doorashada Taariikhiga ah ee ka bilaabatay wadanka Netherlands

Published: March 15, 2017

Waxaa maanta oo Arbaca ah dalka Holland ka bilaabatay codbixinta Doorashada Baarlamaanka cusub ee soo dhisi doona Xukuumada cusub ee Wadankaasi.

Doorashada sanadkan ayey ka qeyb qaadanayaan tiradii ugu badneyd oo xisbiyo ah kuwaasi oo gaaraya 28 xisbi oo kala duwan.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa xisbiga Xagjirka ah ee Islaamka neceb PVV oo uu hogaamiyo Geert Wilders kaasi oo bilihii lasoo dhaafay la saadaalinayey inuu heli karo codod badan. Balse waxaa sidoo kale la saadaalinayaa inuusan noqon doonin Raysalwasaaraha dalkaasi maadaama ay xisbiyada kale ay dhamaantood diideen inay isbaheysi la sameystaan.

Dalka Holland ma jiro xisbi kaligiis xukuumada soo dhisi kara, waana khasab in xisbiga ugu codka badan uu isbaheysi la sameysto xisbiyada kale si uu u helo codod ku filan kuraasta Baarlamaanka oo gaareysa 150 oo ay qeybsadaan 8da xisbi ee ugu waaweyn.

Isbaheysiga xisbiyada xukuumada dhisaya ayaa looga baahan yahay iney heystaan ugu yaraan 76 kursi. Taasi oo ku khasbeysa in hal xisbi uusan xukuumada soo dhisi karin.

Xisbiga Raysalwasaaraha xilka haya Mark Rutte ee loo yaqaan VVD ayaa isaguna rajeenaya inuu markale noqdo xisbiga ugu weyn, halka xisbiga xukuumada la dhisay ee Shaqaalaha PvdA la filayo in sanadkan codod badan dhumiyo sida la saadaalinayo.

Xisbiga CDA ee Kirishtaanka ayaa isagu bilihii lasoo dhaafay dadaal badan sameeyey balse waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu hogaamiyaha xisbigaasi BUMA ololihiisa ku daray in dadka labada dhalasho ama Basaboor heysta sida Turkida laga doonayo inay hal dhalasho doortaan. Arrintan ayaa keentay in su`aal laga weydiiyo Boqorada dalkaasi Maxima oo iyaduna heysata dhalasho Argentine iyo Holland inay iyadana ku khasbayaan inay mid doorato, arrintaasi oo laga yaabo inay dhaawacdo taageerada xisbiga CDA.

Xisbiga D66 oo inta badan u ololeeya dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa rajeenaya inuu noqdo kan sadexaad ee ugu weyn dalkaasi Holland. Waxaana isla kaalinta sadexaad rajeenaya Xisbiga Groenlinks oo isaguna u jeen jeera garabka bidix.

Muslimiinta & Xisbiga DENK
Waxaa sanadkan markii ugu horeysay Doorashada ka qeyb qaadanaya xisbi ay dhiseen labo xildhibaan oo muslim ah kuwaasi oo kasoo goostay kuraastooda xisbiga Shaqaalaha PvdA oo ay horey uga tirsanaan jireen, xisbigan ayaa loo yaqaan DENK, waxaana hogaamiya xildhibaan Kuzu oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga.

Xisbigan ayaa filaya inuu codod badan ka helo Muslimiinta Holland oo khaati ka taagan islaam naceybka kusoo kordhaya dalka Holland.

Xildhibaan Kuzu ayaa sidoo kale taageero badan ku helay sida adag uu mar walba Kalfadhiga Baarlamaanka uga difaaci jiray dalalka Islaamka iyo Muslimiinta, waana tijaabadiisii ugu horeysay ee lagu eegayo inta uu la eg yahay codka ama taageerada uu ka heysto muslimiinta wadankaasi oo lagu qiyaaso inay gaarayaan 1 milyan.

Xildhibaan Kuzu ayaa Doodii Xisbiyada ee ugu danbeysay oo Xalay la qabtay diiday inuu ka qeyb galo, isagoona horey saxaafada Holland ugu eedeyey inay mar walba sawir xun ka bixiyaan xisbigooda cusub ee DENK.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *