Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Soo Bandhigay Liiska Lacagaha Soo Gaaray-Sawiro/Video .

Published: March 16, 2017

Guddiga gurmadka abaarahaa Puntland ayaa magaalada ku soo bandhigay Liiska magacyada shirkadaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo lacag ka badan 150 kun dollar soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha guddiga Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Masjidka rowda ee magaaladda Bosaso, wuxuu faafaahin ka bixiyay shirkadaha, shakhsiyaad iyo jaaliyada Soomaaliyeed dibadaha ku nool ee soo gaarsiiyay guddiga lacagaha sadaqada ee lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saameeyeen.

” liiskani waa lacagihii guddiga soo gaaray laga soo bilaabo 01/02/2017, waxaana lacagta ugu badan oo 40kun oo dollar waxaa soo diray jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, waxaa kaloo lacag 29kun dollar laga soo ururiyay ganacsatada iyo dadweynaha caasimadda garoowe, shirkada towfiiq iyo Xawaaladda Towfiiq ayaa iyaguna lacag ku deeqay” ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Gabagabadii, Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur, Sheekh Daahir Aw-cabdi, Sheekh Axmed Daahir iyo Culumadii kale ee ka qaybgashay Shirka Jaraa’id waxay u duceeyeen shirkadaha, Jaaliyadaha iyo dadka muxsiniinta ah ee lacagaha soo diray si loogu taakuleeyo dadka soomaaliyeed ee Abaaruhu dhafiiyeen xoolahooda, khatarna ugu jira inay macaluul iyo haraad u dhintaan.

Halkan ka Akhriso Liiska Magacyada iyo shirkadaha Bixiyay Lacagta.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *