Nus Milyan Qof oo Somaliya ah oo Laga Talaalayo Cudurka Daacuun Caloolaha.

Published: March 16, 2017

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa goboladda banaadir, hiiraan iyo jubadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya waxay ka bilawday ololaha Tallaalka cudur daacuun Caloolaha (Cholera), waxaana lala filayaa in talaalo dad ka badan Afar boqol iyo konton kun qof oo degaanadaasi ku nool.

Ololahan oo socon doonaa ilaa 22 bishan Maarso 2017, waxaa bartilmaameedkiisu yahay degaanada khatarta ugu jira inuu ka dilaaco cudurka ee Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne iyo Kismaayo, Waxaana la talaali doonaa dadka ka weyn sanad

” Ololahan tallaalka daacuunka ee afka laga qaadayo waa kii ugu ballaaranaa ee Afrkia laga sameeyo, wuxuuna ka qayb qaadan doono sidii loo yarayn lahaa khatarta daacuunka ee degaamadaas” ayuu yiri Dr Ghula Popal oo ah wakiilka Hay`adda WFO ee Soomaaliya

“wareega kowaad ee tallaalku wuxuu bilowday maanta oo 15 bisha marso, wareega labaad wuxuuu bilaaban doonaa 19 maarso, wuxuuna dhammaan doonaa 22 bishan maarso” ayuu sii raaciyay.

Gabagabadii, Tan iyo bilowgii sanadkan in in ka badan 260 qof ayaa u dhintay cudurka Daacuunka, iyadoo 11 kun qof oo ku nool toddobo gobol oo Somaliya uu ku dhacay cudurka, waxaana ka caawinaya dowladda Soomaaliya ololaha Tallaalka Hay`adaha WHO iyo Unicef.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *