USA: Garsoore ku sugan HAWAI oo markale Joojiyey Xayiraadii Trump ee Muslimiinta – VIDEO

Published: March 16, 2017

Garsoore ku sugan gobalka Hawai ee dalka Maraykanka ayaa xalay laalay Wareegtadii labaad ee Madaxweyne Trump xayiraada ku saaray Socdaalka Muslimiinta gaar ahaan lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Ismaamulka gobalka Hawai state oo dacwadan u gudbiyey Maxkamadooda Federaalka ayaa sheegay in wareegtadan ay dhaawici doonto dad badan oo ay kamid yihiin Ardayda Jaamacada ka dhigta gobalkooda, arrintaasi oo uu ku raacay Garsooraha Maxkamada Federaalka ee Hawai.

Wareegtada Trump ayaa ahayd mid wax laga soo bedalay kadib markii Maxkamada dalkaasi horey u laaleen xayiraadii socdaalka uu saaray muwaadiniinta 7 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto oo loo diiday inay imaan karaan dalka Maraykanka.

Madaxtooyada Maraykanka ayaa wareegtada labaad wax kasoo bedashay iyadoo ka saartay listiga dalalka la xayiray dalka Ciraaq, waxaa sidoo kale lagu sheegay in xayiraadan aysan saameyn doonin dadka horey loo siiyey VISA ama dal ku jooga Green Cardka.

Wareegtada labaad ee Trump ayaa lagu waday inay maanta oo Khamiis ah 16ka Maarso ay dhaqan gasho balse waxaa saacado kahor Wareegtadan joojiyey Garsoore ku sugan Hawai oo sheegay in ay tahay mid sharci daro ah.

Waa waji gabaxii labaad ee uu Trump kala kulmo maxkamadaha Maraykanka oo horey sidan oo kale u fashiliyey xayiraadii uu soo rogay.

Donald Trump ayaa si adag uga hadlay go’aanka kasoo baxay Maxkamada Hawai oo la sheegay inay ka dhaqan galeyso guud ahaan dalka Maraykanka, wuxuuna ku tilmaamay go’aankan mid salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Hase yeeshee Maxkamada Hawai ayaa ku doodeysa in ay muuqato in wareegtada iyo xayiraadan ay tahay mid lagu saleeyey Diinta Islaamka oo muslimiinta si gaar ah loola beegsanayo taasi oo kasoo horjeeda Dastuurka Maraykanka.

Waxaa la filayaa in Xukuumada ay racfaan markale ka qaadato walow laalidii wareegtadii hore oo ay sidan oo kale racfaan uga qaateen ku guuleysan waayeen.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *