31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo diyaarad dagaal ku dishey dalka Yemen

Published: March 17, 2017

Weerar ay qaadey diyaarad nooceedu yahay kuwa qumaatiga u kaca oo ay kuu rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca ayaa weerar ku qaadey qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugnaa xeebta dalka Yemen, ugu yaraan 31 qof ayaa ku geeriyoodey weerarka. Qaxootiga ayaa haystey aqoonsiga qaxootinimo ee UN-ka, sida ay sheegtetey hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IMO.

Ma cadda cidda weerarkan fulisey, waxaase Reuters sheegaysaa in nooca diyaaraddu ahayd Apache ee Maraykanku sameeyo.

Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa lug kuleh dagaalka Yemen waxaana ay haystaan diyaaradaha Maraykanku sameeyo. Waxaa la aaminsan yahay in weerarkan ay fulisey diyaarad labadaas dal midkood taabacsan, iyaguna weli ma caddeyn.

Mohamed al-Alay oo askeri ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Yemen ayaa sheegay in qaxootigu ay ku jeedeen dalka Suudaan oo ay donayeen in ay tahriib ku galaan.

Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa dalka Suudaan lug ku gala halkaas oo ay uga sii gudbaan dalka Libya kadibna ay isku biimeeyaan badda dhexe si ay u galaan dalalka Midowga Yurub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *