Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Mar kale Baaq Qaylo Dhaan ah Ka Soo Saaray Xaalada Abaarta Puntland-Video

Published: March 17, 2017

Iyadoo xaaladaha abaareed ee ka jira Puntland ay meel halis ah marayso ayaa guddiga gurmadka Abaaraha Puntland ee Culumadda waxay mar kale baaq ka soo saaray xaaladda abaarta, waxayna sheegeen in dadku ay halis ugu jiraan haraad iyo gaajo inay u dhintaan haddii raxmad dhinac alle ka timaada aysan iman.

Shir Jaraa`id oo ay ku qabteen Masjidul Rowda ee Magaaladda Bosaso, kaasi oo ay ka qaybgaleen Sheekh Daahir Aw-cabdi, Sheekh Axmed Daahir, iyo sheekh Fu`aad xaaji Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga Abaaraha, waxay kaga hadleen xaaladi u dambaysa ee abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Sheekh Daahir Aw-cabdi

Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Culumadda ee abaaraha ayaa ka sheekeeyay heerka ay gaartay abaarta, rafaadka iyo halaaga ka dashay, waxaana uu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay ka kacaan fadhiga oo ay u soo gurmadaan walaalahood haraadka iyo gaajadu hayso

” Wadankii Soomaaliya la oran jiray haddii uusan Ilaahay deg deg Raxmadiisa ku maashayn, wuxuu halis ugu jiraa inuu gaalo iyo kaniisado gacanta u galo, ilaahay uun baa arrintaas naga saari kara” ayuu yiri Sheekh Daahir Aw-cabdi, oo sidoo kale ugu baaqay bulshadda Soomaaliyeed in wixii ay heli karaan ay ku caawiyaan walaalahood.

” Dalka iyo dibadiisa haddaad joogtaan, qof kastaa wuxuu awoodo inuu bixiyo, ninka fiqiirka ahi ma waayayo $1 dollar, kan dhexdhexaadka ahi ka bixiyo$100 ilaa $500 dollar, Qofka maalqabeenka ahina ka bixiyo illaahay wixii uu siiyay” ayuu yiri

Sheekh Axmed Daahir

Dhinac kale, Sheekh Axmed Daahir ayaa isna dhiniciisa wuxuu ka sheekeeyay dhibaatooyinka haysta dadka reer miyigi ah ee abaartu saamaysay, isagoo sheegay in nafaqo darro xoogan ay hayso hooyooyink iyo caruurta, islamarkaana loo baahan yahay in raashin iyo daawo la gaarsiiyo.

” waxaa la ii sheegay Caruuro wax lagu habo la waayay, oo caano lo waaayay, baar xun ayaa jira jihada, raashin la`aan, daawo la`aan ayaa ka jirta” ayuu yiri

Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha

Gabagabadii, Guddoomiyaha Guddiga gurmadka abaaraha Sheekh Fu`aad Xaaji Nuur oo toddobaadkii hore soo bandhigay qadarta lacagta soo gaartay guddiga muddo 35 maalmood gudahood, wuxuu sheegay lacagaha soo gaaray ay aad u yartahay marka la barbardhigo xadiga dhibaatadda abaarta , wuxuuna ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u kacaan inay u soo gurmadaan wallaalahood.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *