Markabkii afduubka loogu qabsadey xeebaha Caluula oo la soo furtey

Published: March 17, 2017

Ciidamada Ilaalada xeebaha ee Puntland ayaa ku khasbey koox dhalinyaro ah oo afduub u qabsadey markab ganacsi oo sidey shidaal in ay ka degaan oo sii daayaan si nabad ah. Maalntii shalay ayaa is rasaaseyn kooban dhex martey ciidanka Puntland iyo kooxdii dableyda ahayd. Ciidamada Puntland ayaa muddo laba maalmood ah ku hareereysnaa markabka.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Imraadka Carabta islamarkaasna u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa xaley fiidki ay ka degeen kooxdii afduubka u qabsatey ee haystey tan iyo maalntii Axadda.

Dableydii saarneyd ayaan gacan lagu dhigin xili habeen ah ayeyna ka baxsadeen markabka. Wararku waxay sheegayaan in dableydaani ay ka soo wadajeedeen halqoys waxaana qayb ka qaatey in ay ka degaan markabka waxgaradka qoyskooda.

Agaasimaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland, Cabdiraxmaan Xaaji Xassan oo u warysi siiyey idaacadda VOA, ayaa beeniyey in ay jiraan wax wadahadal ah oo dhexmarey maamulka Puntland iyo dableydi falkan geysatey.

Markabka ayaa hadda ku soo jeeda magaalada Bosaso, waxaana ilaalo ka haya ciidanka ilaalada xeebaha Puntland.

Shaqada Burcadbadeednimada ayaa si weyn hoos ugu dhacdey, maamulka Puntand wuxuu yeeshey ciidamo ilaalo ka ah xeebaha oo si fudud u gurman kara, waxaa taas dhinac socda in kalumeysga sharci darrada ah uu si weyn u soo batey taas oo ciidamadu aysan waxba ka qaban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *