Ra`iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay shacabkii lagu laayey Xeebaha Yemen

Published: March 18, 2017

Ra`iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra`iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani`aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra`iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo carruur.

Ugu dambeyn, Ra`iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *