Sucuudiga oo Iska Fogeeyay Masuuliyada Weerarkii Lagu Dilay 42 Qof oo Qaxootiga Soomaaliyeed

Published: March 18, 2017

Huwanta Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta dalkaYemen ayaa iska fogaysay in mid ka mid ah diyaaradahoodu qaadeen weerarkii lagu dilay dad ka badan 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed oo saarnaa dooni maraysay xeebaha dalkaasi

Afhayeen u hadlay Huwanta Gen Axmed al-Assiri ayaa u sheegay wargayska Arabnews ee ka soo baxa sucuudiga inay Diyaaradaha Sucuudigu aysan ku lug lahayn weerarkaasi, islamarkaana aysan ka dagaalamin goobta ay ka dhacday duqaynto

” Huwantu lug kuma laha weerarkaasi, ma jiro howlgalo ay ka wadaan aagaas` ayuu yiri afhayeenku .

Al-xasan Qaleb oo ah Tahriibiye Yemeni ah oo ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in doonida ay siday tahriibayaal Soomaali ah oo ay ku jiraan haween iyo Caruur kuwaasi oo ku sii jeeday dalka Suudaan

Wuxuu sheegay in doonidu ay ka shiraacatay xeebta Ras arra ee xeebta koofureed ee Gobolka xudayda ee Dalka yemen, waxayna ku sugnayd meel 50km u jirta xeebta oo ku dhow marinka baabul Mandeb markii diyaaradu weerartay.

Hay`adda IOM ayaa xaqiijisay in tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ay haataan gaareen 42 qof, waxayna sheegtay in weerarka noocan oo kale uu yahay waxaan la aqbali karin, loona baahan yahay in la hubiyo cidda saaran doonyaha inta aan la weerarin.

“90 qof oo isugu jira rag iyo dumar ka badbaaday weerarkaasi waxaa la geeyay xarun ku taal xudayday, qaar ka mid ah maydka waxay daadsan yihiin suuqa kalluunka ee Xudayday” Sidaa waxaa yiri maxamed cabdikhayr oo ka tirsan madaxda IOM ee Gobolka

Gabagabadii, Qaxootiga la laayay iyo kuwo badbaaday ayaa haystey aqoonsiga qaxootinimo ee UN-ka, sida ay sheegtetey hay`adda socdaalka caalamiga ah ee IMO.Ma Cadda ilaa hadda cidda ka dambaysay weerarkaasi, waxaase Wakaalada wararka Reuters sheegaysaa in nooca diyaaraddu ahayd Apache ee Maraykanku sameeyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *