Agaasimaha La Dagaalanka Burcad-badeeda Puntland oo Xilkii Laga Qaaday

Published: March 19, 2017

Wareegto ka soo baxday Xafiisa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaaxilkii looga qaadayAgaasimaha Guud ee la dagaalanka burcad badeeda ee wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland Cabdirisaaq Maxamd Dirir (Ducaysane)

Wareegtada oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray horseedmedia ayaa lagu sheegay in markii uu madaxweynuhu la tashaday Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka burcad-badeeda Siciid Maxamed Raage, islamarkaana uu tixgaliyaybaahida loo qabo isbadel iyo dardargalin lagu sameeyo howlaha Ladagaalanka burcad badeeda Puntland uu xilkii ka qaaday agaasimaha.

Wareegtadan ayaa soo baxday iyadoo madaxweynaha iyo wasiirka dekedaha ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin, waxaa kaloo ku soo beegantay iyadoo toddobaadkii hore dhalinyaro hubaysan ay xoog ku afduubeen markab shidaalka qaada oo lagu magacaabo ARIS-13 oo marayay xeebaha Puntland, kaasi oo markii dambe ciidamada Badda Puntland ay ku khasbeen afduubayaashii inay ka degaan.

Markabka ARIS-13 ee La Afduubay

Gabagabadii, Wareegtada lagu sheegin cidda lagu bedelay agaasimaha, islamarkaana faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta xilka loo qaaday Agaasime Ducaysane oo uu xilkan u magacaabay madaxweynihii hore Puntland C/raxman Maxamed Faroole.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *