Dekadda magaalada Bosaso oo Lagu soo Bandhigay Markabkii dhawaan lagu Afduubtay Xeebaha Puntland-Video

Published: March 19, 2017

Dekadda weyn ee magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay markab dhawaan ay soo furteen ciidan badda Puntland, kaasi oo koox burcad badeed ah ku heysatay xeebta Xaabo ee gobolka Gardafuu.

Markabka oo lagu magacabaa Arra-13 ayaa xaaladiisu ay caadi tahay, iyadoo shaqaalaha saarnaa markabka ay sheegeen in aysan wax dhibaato ah kala kulmin burcad badeeda afduubatay markabka.

Burcad badeeda afduubatay markabka oo sheegtay inay yihiin kalluumeysato ayaa waxaa ay sheegeen in ay u qafaasheen markabka kadib markii lagu dhibaateeyay xeebaha Puntland.

Markabka ayaa muddo saddex cisho ah lagu baarayay Dekedda magaalada Bosaso kadib markii uu soo baxay shaki ku saabsan in uu markabkan yahay maraakiibta kala gudbiya hubka iyo xaalufka lagu hayo xeebaha Puntland.

Wafdi ka socda dalka Jabuuti ayaa lagu wareejiyay markabka oo todobaadkii hore lagu afduubtay xeebaha Puntland.

Xafladda wareejinta markabka ayaa ka dhacday dekadda magaalada Bosaso, waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, wafdi ka socday Jabuuti iyo maamulka goblka Bari iyo kan degmada Bosaso.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Xaji Cumer Camey ayaa qiray in badda Soomaaliya ay maraakiib iyo doonyo jariif ah ku hayaan kalluumeysi sharci darro ah, isla markaana dhibaato u geysta kalluumeyatada wadaniga ah taasina ay keentay in kalluumeysatada burcad badeed isu bedalaan .

Waxa intaasi ku daray madaxweyne ku xigeenka Puntland in beesha caalamka ay dhegaha ka fareysteen cabashooyinka ku aadan kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Xaaji Cumar Camey ayaa goobta ka sheegay in ciidankii ka qeyb qaatay howl galkii lagu soo furtay markabka la dalac siin doono min hal darajo.

Howl galka lagu soo furtay markabka ayaa waxa ka qey qaatay ciidanka badda Puntland, kuwa difaaca Puntland iyo kuwa madaxtooyada.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *