Maamulka Galmudug oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

Published: March 19, 2017

Magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidanka nabad sugidda maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Gaariga ayaa lagu qabtay inta u dhexeysa degmada Caabud-waaq iyo deegaanka Xanan-buure, waxaana sidoo kale ciidanka ay gacanta ku dhigeen laba qof oo la socday gaariga.

Saraakiisha ciidanka nabad sugidda ee maamulka Galmudug ayaa shegay in gaariga noociisa u ahaa caasi ama bas, isla markaana la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka degmada Caabud-waaq.

Maleeshiyada shabaab ayaa inta badan adeegsada gaariga laga soo buuxiey walxaha qarxa, waxa ayna ku bar tilmaameedsadaan xarumaha dowladda iyo kuwa shacabka.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *