Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo geeriyooday

Published: March 19, 2017

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa golaha baarlamaanka Puntland-Soomaaliya.

Marxuumka ayaa dalka Kenya loogu qaaday xaalad caafimaad kadib markii uu ku dhaawacmay 8-dii bishan Maarso 2017 qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa xili uu ka soo baxay hotel ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xil. Cabdulqaadir ayaa waxyeelo ka soo gaartey qaarka danbe, waxaana dhaawiciisu xiligaasi uu ahaa mid culus.

Geerida xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, sial markanaa uga tacsiyeey shacabka reer Puntland geerida ku timid marxuumka.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxana uu xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil saaray gobolka Mudug.

Ururka al-Shabaab ayaa qaraxa kadib sheegtey mas’uuliyadda iskudayga dil ee Xildhibaanka.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *