France: Murashaxiinta Madaxweynaha oo dood telefishin loo qabtay – VIDEO

Published: March 21, 2017

Shanta murashax ee ugu horeysay tartanka Madaxweynaha France ayaa xalay ku kulmay dood fool ka fool ah oo telefishinka si toos ah looga siidaayey.

Waa markii ugu horeysay oo dood noocaan ah loo qabto Murashaxiinta kahor wareega kowaad ee Doorashada Madaxweynaha Faransiiska oo dhici doonta 23 bisha April.

Doorashada Madaxweynaha ayaa ah labo wareeg, waxaana hada tartanka ku jira 11 murashax oo ka qeyb geli doona wareega kowaad oo dhacaya 23 April, waxaana wareega labaad ee doorashada u gudbaya labada murashax ee ugu codka badan oo codka loo qaadi doono 7da bisha May.

In badan oo kamid ah dadka daawaday doodan ayaa sheegaya in aysan wax badan kusoo kordhin doodan fikirkii ay ka qabeen murashaxiinta tartanka ku jira, mana jirin barnaamijyo cusub oo ay kusoo bandhigeen murashaxiinta.

Xiligii ay dooda socotay ayey hadalada ugu kulul is dhaafsadeen labada murashax ee la saadaalinayo inay ugu cod badan doonaan kuwaasi oo kala ah Emmanuel Macron oo hogaaminaya xisbiga dhex dhexaadka iyo Haweenayda Marine Le Pen oo hogaamisa xisbiga xagjirka ah ee Islaamka iyo dadka soogalootiga neceb.

Mr.Macron ayaa sheegay in Mrs. Le Pen ay dooneyso in muslimiinta cadaw uga dhigto shacabka France.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *