Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Agaasimayaal,soona Dhaweeyay Wasiiradda La magacaabay

Published: March 21, 2017

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Agaasimayayaal iyo la taliyayaal madaxtooyadda Soomaaliya ee Villa Soomaaliya,

Xilalka uu magacaabay waxaa ka mid ah agaasimaha guud ee madaxtooyadda, agaasimaha habmaamuuska madaxtooyadda, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda, Kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo la taliyaha siyaasada iyo istiraatijiyadda ee Madaxweynaha

magacyada xilalka la magcaaby:-

1. Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

2. Prof Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda.

3. Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha

4. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada.

5. Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu soo dhaweeyay , islamarkaana uu la kulmay xubnaha cusub eegollaha xukuumadda federaalka ee uu maanta u magacaabay ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, wuxuuna kula dardaarmay in xilkooda ay u gutaan si daacad ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *