USA: Sirdoonka Maraykanka oo beeniyey eedeyntii Trump ee Obama – VIDEO

Published: March 21, 2017

Bidix: Agaasimaha FBI James Come iyo Adm.Michael Rogers Taliyaha Sirdoonka NSA
Agaasimayaasha hay`adaha sirdoonka iyo danbi baarista Maraykanka NSA iyo FBI oo xalay hortagay Guddiyada Baarlamaanka ayaa si cad u beeniyey eedeyntii Donald Trump dusha uga tuuray Madaxweynihii ka horeeyey Barack Obama inuu talefonadiisa dhageystay xiligii doorashada.

Agaasimaha hay`ada danbi baarista James Comey ayaa sheegay inaysan jirin wax cadeyn ah oo arrintan loo hayo, isagoo markale sheegay in Madaxweynaha uusan awood ullahayn inuu fal noocaas ah la beegsado siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Madaxa hay`ada NSA Adm.Michael Rogers ayaa sidoo kale beeniyey warar sheegaya in Barack Obama basaasida telefonada Trump u adeegsaday sirdoonka UK, arrintaasi oo uu ku sheegay war aan wax sal iyo raad ah lahayn oo ka horimaanaya heshiisyada ka dhaxeeya Maraykanka iyo dalalka ay sirta wadaagaan.

Labada mas`uul ayaa su`aalo badan laga weydiiyey xog badan oo ay Xildhibaanada qaarkooda ka heleen xiriirka la sheegayo inuu u dhaxeeyo Trump iyo Ruushka, wuxuuna Comey sheegay in hada weli baaritaan ku socdo arrintaasi oo uusan ka hadli karin.

Baaritaanka Xiriirka Ruushka iyo Trump

FBI-da ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaacisay inay baaritaan ku wado xubnaha kamid ah shaqaalaha Trump iyo xiriirkii ay la lahaayeen sirdoonka iyo dowlada Ruushka oo la tuhunsan yahay inay farogelin xoogleh ku heysay doorashadii ugu danbeysay ee ka dhacday dalkaasi.

Comey ayaa sheegay in Ruushka uu cadaawad weyn u hayey Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Hillary Clinton isla markaana ay si weyn uga shaqeenayeen in fadeexeeyaan Mrs.Hillary si aysan ugu guuleysan doorashada Madaxweynaha.

Wuxuuna James Comey intaasi raaciye inay rumeysan yihiin in Ruushka uu ka danbeeyey weerarkii internetka ee lagu jabsaday xogta xisbiga Dimuquraadiga, xogtaasi oo markii danbe lagu shaaciyey Shabakada Wikileaks.

Intii ay socotay dhageysiga mas`uuliyiintan ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump bartiisa twitterka kusoo qorayey qoraalo uu ku sheegayo inaysan jirin wax cadeyn ah oo loo hayo in Ruushka uu saameyn ku yeeshay natiijada doorashadii Maraykanka, walow uusan soo hadal qaadin eedeyntii uu Obama la beegsaday oo si rasmi ah loo beeniyey.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *