LONDON: Weerarkii Baarlamaanka Westminster oo ay 5 qof ku dhinteen – Sawiro / VIDEO

Published: March 22, 2017

Weerarkan ayuu geystay hal qof oo gaari jiirsiiyey dad badan oo marayey buundada u dhaw xarunta Baarlamaanka UK ee magaalada London oo loo yaqaan Westminster.

Ninkan ayaa kadib gaariga ku dhuftay darbiga goobta laga galo Baarlamaanka isagoona mindi ku weeraray askarta halkaasi illaalada ka ahayd.

Dad gaaraya 40 qof ayaa weerarkan ku dhaawacmay kuwaasi oo intooda badan marayey buundada u dhaw Westminster, waxaana goobtaasi ku dhintay 3 qof.

Hal askari oo kamid ah illaalada xarunta Baarlamaanka ayaa dhaawac u geeriyooday kadib markii uu mindi ku dhuftay ninka weerarka soo qaaday oo aan weli magaciisa la shaacin.

Booliiska ayaa toogasho ku dilay ninkaasi oo aan xogtiisa weli la shaacin.

Ninka weerarka geystay oo u dhintay dhaawaca soo gaaray.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in weerarkan uu geystay hal qof kaasina yahay ninka la toogtay balse waxay sheegeen in weli hawlgal balaaran uu socdo oo ay gadaal ka bixin doonaan xog faah faahsan.

Dowlada UK ayaa weerarkan ku tilmaamtay weerar argagaxiso. Ma jirto weli koox sheegatay weerarkan.

Raysalwasaaraha UK Mrs.May ayaa sheegtay in Argagaxisada aysan marnaba ku guuleysan doonin qorshahooda cabsi gelinta ah, isla markaana shacabka Ingiriiska aysan waxna ka bedali doonin hawl-maalmeedkooda. Waxay u tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarka iyo kuwii ku dhaawacmay.

Taliska Booliiska oo xalay goor danbe shir jaraa’iid qabtay ayaa xaqiijiyey askariga lagu dilay Baarlamaanka uu ahaa mid aan wax hub ah sidan, isla markaana sheegeen inay aqoonsadeen shaqsiga weerarka geystay walow ay diideen inay ku deg degaan shaacinta magaciisa iyo meesha uu kasoo jeedo, maadaama la eegayo qofkaasi dadkuu xiriirka lalahaa ama inay jiraan shaqsiyaad wax ka ogaa weerarkan.

Dhinaca kale wararka kasoo baxay magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee Ingiriiska ayaa sheegaya in xalay saqdhexe ay halkaasi hawlgal ka sameeyeen ciidamada amaanka oo gudaha u galay guryo halkaasi ku yaal. Walow Booliiska uusan weli faah faahin ka bixin in hawlgalkan la xariiro ninkii weerarka geystay iyo in kale.


Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *