Madaxweynaha Puntland oo sheegay in dhawaan la bilaamayo dhismaha garoonka Gaalkacyo iyo waddada EYL

Published: March 22, 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtey caasimadda Puntland kadib safar qaatey 10 maalmood oo uu ku tegey dalka Itoobiya iyo Imaaraadka carabta.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo shacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkoodii guul ku soo dhamaadey, madaxweynaha ayaa sheegay safarkii ay ku tageen dalka Itoobiya ay keentey in bisha Maajo 2017 uu bilaaban doono dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, iyo waddada isku xirta laamiga dheer iyo degmada EYL.

– Aniga iyo weftigeygu balaarnaa oo aan hogaaminayey waxaanu muddo 10 maalmood ah ku maqnayn dalalka Itoobiya iyo imaaraadka, halkaas oo aanu ka soo hoyney guulo waawayn, waxaana shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah labilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba.

Madaxweynuhu ma sheegin cidda uu wada hadalka uu kala la galay ee garoonka iyo wadada. Sida Horseed horey u qortey Madaxweynaha ayaa Adis Ababa kulamo kula qaatey shirkad laga lee yahay dalka Shiinaha oo xarun ku leh dalka Itoobiya, taas oo lagu wado in ay dhisto garoonka diyaaradaha iyadana la siiyo Block shidaal oo dhaca gobolka Nugaal. Shirkaddan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gobolka Nugaal ka hirgeliso waddada tgta degmada EYL ee dhacda badweynta Hindiya.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka hadlay safar kisii Dalka Imaaraadka carabta isagoona sheegay in uu ahaa ujeedku ballaarinta mashruuca dekedda Magaalada Boosaaso, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu inay meel fiican marayso, isla markaana uu uga soo tegey dardargelinta shaqadaasi wefti uu hormuud u yahay gudoomiya Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.

– Waxaan kaloo tagnay Dalka isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo aanu u tagnay mashruucii balaarinta dekedda magaalada Boosaaso, hawshaasina meel fiican ayay maraysey, waxaana uga soo tegey wefti uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, iyo koox wasiiro ah, waxaan illahay ka rajaynayaa inuu guul ku soo dhameeyo ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Mashruuca ballaarinta dekadda Bosaso ayaa Puntland horey heshiis ula gashey shirkad kale oo lagu magacaabo Divers Marine Contracting L.L.C o, taas oo ka diiwaan gashan dalka Imaaraadka carabta, waxaana heshiskaasi caqabad ku noqdey heshiis cusub oo Puntland ay dooneysey in ay la gasho shirkadda weyn ee DP World, waxaana hadda lagu wadaa in Puntland sifo sharci ah uga baxdo heshiiskii hore, si ay u geli karto heshiis cusub.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhaweeyey xukuumadda cusub ee la magacaabey ee Soomalaiya, sidoo kale waxa uu mahad gaar ah u direy ciidanka Puntland iyo kuwii dhawaan soo furtey markabkii IRIS 13.

Hoos ka dhegayso codka Madaxweynaha

 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *