Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Nairobi-Sawiro

Published: March 22, 2017

Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 3 maalmood.

Madaxweynaha waxaa gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirro kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajoayaa berri oo Khamiis ah la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay yeelanayaan ganacsatada labada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

Faafin Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *