Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka Ka Codsaday Inay Meelmariyaan Gollaha Wasiiradda

Published: March 22, 2017

Kadib magacaabistii golle xukuumaddeed oo ka kobaan 67 qof ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa uu ka codsadayGolaha Barlamaankainay meel mariyaan golaha wasiirada cusub.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in gollaha wasiirada ee cusub ay yihiin kuwa ka soo bixi kara howlaha loo igmaday, waxaana uu kula dardaarmay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya , inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada cusub, waxaa kaloo uu shacabka ka dalbadayinay la shaqeeyaan golaha Wasiirada cusub, si looga wada shaqeeyo xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka argagixisadu ay shacabka la beegsanayaan.

Dhinaca kale, madaxweyneFarmaajo wuxuubulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meelkasta oo ay joogaan inay u gurmadaan walaalahood ee ay abaartu saameysay, isagoo beesha Caalamka ka dalbaday inay soo dadajiso kaalmada ay ugu talageen shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Gollaha Cusub ee wasiiradda ee la magacaabay shalay ayaa 42 xubnood oo ka mid ah waxaa ay ka tirsan yihiin Barlamaanka federaalka soomaaliya, waxaa kaloo ku jiro xubno hore uga tirsanaa barlamaanka oo lagu soo daray gollaha cusub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *