Maraykanka & UK oo Rakaabka Diyaaradaha ka mamnuucay Qalabka Electornics-ka – VIDEO

Published: March 22, 2017

Jahwareer ayaa ka taagan amar kasoo baxay Maraykanka iyo UK oo lagu wado inuu dhaqan galo Sabtida soo socota, kaasi oo lagu soo rogay duulimaadyada dalalkaasi taga ee ka yimaada qaar kamid ah wadamada Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Amarkan cusub ayaa sheegaya in dadka rakaabka ah aysan dusha diyaarada lasoo kori karin dhamaan qalabka electronicska ama casriga ah wixii ka weyn Telefoonka gacanta ama Mobile-ka.

Qalabka laga mamnuucay in rakaabka ay isticmaalaan diyaarada gudaheeda ayaa waxaa kamid ah computerka gacanta ee Laptop iyo Tapletka.

Rakaabka ayaa ku khasban inay qalabkaasi geliyaan Boorsada ama shandada loo rarayo waxayna lasoo bixi karaan marka ay tagaan meesha ay u socdaan.

Sharcigan cusub ayaa saameyn ku yeelanaya duulimaadyo ka yimaada 10 Airport oo kala ah:

Egypt: Cairo
UAE: Dubai iyo Abu Dhabi
Turkey: Istanbul
Qatar: Doha
Jordan: Amman
Kuwait City;
Morocco: Casablanca
Saudi Arabia: Jeddah iyo Riyadh

Maraykanka
ayaa amarkan duldhigay Shirkadaha duulimaadka ee dalkaasi taga oo kala ah:
Turkish Airlines.
Emirates Airline,
Etihad Airways,
Kuwait Airways,
Qatar Airways,
Egyptair,
Royal Air Maroc,
Royal Jordanian Airlines,
Saudi Arabian Airlines

UK amarkan duldhigtay Duulimaadka Britain taga oo ay ku jiraan:
British Airways,
EasyJet,
Jet2.com,
Monarch,
Thomas Cook,
Thomson,
Turkish Airlines,
Pegasus Airways,
Atlas-Global Airlines,
Middle East Airlines,
Egyptair,
Royal Jordanian,
Tunis Air
Saudia.

Go`aankan ayaa la sheegay inuu la xariiro xog ay heleen sirdoonka Maraykanka iyo UK oo sheegaysa in kooxda Al Qacida ee Yemen ay muddo dheer ka shaqeenaysay inay qalabka Electronica ah u isticmaalaan burburinta diyaaradaha dadka rakaabka ah raacaan.

Dalalka ay ku yaalaan Madaarada amarkan lagu soo rogay ayaa si weyn uga cawday go’aankan oo ay ku sheegeen inay jahwareer ka abuuri doonto goobaha dadka lagu baaro iyo waliba dib u dhacyo ku imaankara duulimaadyada. Taasi oo mustaqbalka saameyn ku yeelan karta tirada rakaabka ee isticmaalka madaaradaasi iyo waliba dakhligooda.

Dowlada Turkiga ayaa kamid ah kuwa cabashada ka keenay go’aankan iyagoo sheegay in arrintan aan loo baahneyn oo ay rakaabka maraan baaritaano ku filan. Madaarada waaweyn sida Dubai iyo Istanbul ayaa ka cabsi qaba in rakaab badan ay uga weecdaan madaarada dalalka Yurub ee amarkan uusan saameyn doonin.

Weerarkii Daallo Airlines
2dii bishii Feberaayo ee sanadkii hore 2016 ayaa bambaano lagu soo qariyey Laptop lagu qarxiyey Duulimaadka Daallo Airlines ee Muqdisho – Jabuuti, duulimaadkaasi oo xiligaasi u kireysnaa shirkada Turkish Airlines.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay ninkii Laptopkaasi watay oo meydkiisa diyaarada ka dhacay, waxaana dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah rakaabka. Diyaarada ayaa ku guuleysatay inay soo cago dhigato madaarkii ay ka duushay ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxaa sheegtay kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya, balse waxaa la rumeysan yahay in ay farsamadan gacan kasiiyeen kooxda Al Qacida ee saldhigeedu yahay dalka Yemen oo la rumeysan yahay inay tababar siiso shaqsiyaadka bambaanooyinka u sameeya kooxda Al Shabaab.

Kooxda Al Qacida ee Yemen ayaa sanadihii 2009, 2010 iyo 2012 isku dayey inay diyaaradaha taga Maraykanka ku qarxiyaan bambaanooyin kala duwan oo lasoo farsameeyey oo kamid ahaa mid lagu soo qariyey Printer iyo dharka.

Maraykanka iyo UK ayaan wax faah faahin ah kasii bixin xogta xasaasiga ah oo ay heleen.


Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *