Qaramada Midoobay oo ammaantay doorka haweenka ee xukuumadda Soomaaliya

Published: March 22, 2017

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya qoraal ka soo baxay ayaa lagu ammaanay golaha wasiirada cusub eeuu soo dhisay raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Micheal Keating ergeyga gaarka ah ee xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray qoraal uu ugu hambalyeynayo xukuumadda cusub, gaar ahaan doorka haweenka laga siiyey.

…Hambalyo golaha cusub ee xukuumadda la magacaabay oo ay ku jiraan lix haween ah, waxaan rajaynayaa in ay horay u socoto, kana shaqayn doonto baahiyaha, ammaan, horumar iyo wax ka qabashada abaarta ka jirta Soomaaliya ayuu yiri Keating.

Raysal wasaare Khayre ayaa xukuumaddiisa ku soo daray ilaa lix haween ah oo ay ku jirto wasiirad cusub oo loo magcaabay wasaarad dalka ku cusub.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *