Roobab xoogan oo ka da’ay qaar ka mid ah gobolada dalka

Published: March 22, 2017

Deegaano badan oo ka tirsan gobolada Sanaag, Awdal, Bari iyo Karkaar ayaa ka da’ay roobab xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Goobaha uu ka da’ay roobka ayaa waxaa ka mid ah degmada Waaciye ee gobolka Karkaar Puntland-Soomaaliya.

Gobolka Karkaar ee Puntland-Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan reer guuraa ka soo hayaamay qaar ka mid ah gobolada dalka, kuwaasi oo saameyn xoogan ku yeelatay abaarta ka jira dalka.

Roobabkan xoogan ee ka da’ay gobolada Sanaag, Awdal, Bari iyo Karkaar ayaa imanaya xili inta badan gobolada dalka laga sameeyey bannaan baxyo roob doon.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *