Kenya oo Madaxweynaha Soomaaliya u ridey 21 madfac oo salaan sharaf ah -SAWIRO

Published: March 23, 2017

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa subaxnimadii maanta ee Khamiista soo dhaweeyn rasmi ah iyo sharfid u sameeyey dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay (Salaasa) Booqasho ku tegey Kenya.

Xafladda soo dhaweynta iyo sharfidda ayaa ka dhacdey Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo ridey 21 madfac, waxaana loo garaacey heesta calanka Soomaaliya isaga oo salaan sharaf ka qaatey ciidanka bambeyda Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa xafladda kadib wada qaatey kulan ay uga hadlayaan xiriirka labada dal.

War ka soo baxay xafiiska Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in labada wefdi ay ka wada hadlayaan waxybaaha labada dal ay ka wada shaqeyn karaan sida Amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadka hawada, waxbarashada, waxsoosaarka beeraha dalxiiska iyo arrimaha socdaalka, taas oo horey loogu asteeyey guddi shaqo o la sameeyey sanadkii 2015.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *