Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kenya oo si wada jir ah uga hadlay kulankii ay yeesheen

Published: March 23, 2017

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa si wada jir warbaahinta ugu warbixiyey natiijada ka soo baxday kulankii ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Nairobi.

Uhuru Kenyatta madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal saaxib dhow la ah Kenya, isla markaana ay wadaagaan danooyin.

Madaxweynaha kenya ayaa intaasi ku daray in ay ka wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen furidda xuduuda Buulo-Xaawo iyo Dhoobley si ay shacabka labada dal isu kala gooshaan.

.. Si dhow ayey labada dal uga wada shaqeynayaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay u bilaabi doonaan duulimaadyo toos ah ayuu yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynah Kenya ayaa sidoo kale sheegay in labo todobaad gudahood lagu bilaabi doono duulimaad toos ah oo u kala safraya Muqdisho iyo Nairobi, taasoo meesha ka saaraysa duulimaayadii Soomaaliya ka imaan jiray ee soo mari jiray Wajeer.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya, waxa ayna ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay.

…Dowladaydu si dhow ayey ula shaqeynaysaa dowladda Kenya, kenya muddo labaatan sanno ayey marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waana lagama maarmaan inaan ka wada shaqeyno waxyaabaha caqabada ku ah, ammaanka, faqriga iyo la dagaalanka Argagixisada ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasoo qeyb ka ahaa heshiis horay dowladdii horay ula saxiixatay dowladda Kenya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho ay dhib ku qabeen baaritaanada ay ku maraan magaalada Wajeer ee Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa sheegay in wada hadaladooda labo geesoodka ahaa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan .

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *