USA: Isbaheysiga wadamada la dagaalamaya Daacish oo Washington ku kulmay

Published: March 23, 2017

Shirkan ayey ku kulmeen wafuud ka kala socotay 68 wadan oo kamid ah isbaheysiga la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Daacish.

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyey oo ka dhaca magaalada Washington ee caasimada Maraykanka tan iyo intii ay xilka la wareegtay xukuumada Trump.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanka uu dar dar gelin doono sidii kooxda Daacish looga saari lahaa dhulka ay heystaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay sameyn doonaan goobo nabad ah “interim zones of stability” oo loogu talo galay Qaxootiga doonaya inay dib ugu noqdaan guryahooda.

Tillerson muusan cadeyn goobahan loo cayimay qaxootiga reer Siiriya iyo Ciraaq meelaha laga sameyn doono.

Raysalwasaaraha Ciraaq Hayder Al Cabadi oo kamid ahaa madaxdii kulankan ka qeyb galay ayaa ka hadlay guulihii ciidamada Ciraaq iyo xulafadooda ka gaareen hawlgalka la doonayo in lagu xoreeyo magaalada Mosul iyo dhulka illaa iyo hada laga saaray kooxda ISIS.

Raysalwasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dib u dhiska dhulka Daacish laga saaray ay ku kici doonto dhaqaale gaaraya 50 bilyan oo dollar.

Kulankan ayaa wafuuda kasoo qeybgashay u badnaa Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka la dagaalamaya Daacish, walow aan laga soo saarin qodobo cusub ayaa arrinta ugu muhiimsan oo dhinaca Maraykanka kasoo baxday ay tahay inay doonayaan inay goobo ama xeryo laga sameeyo gudaha dalalka Ciraaq iyo Siiriya si dadka kasoo qaxay Daacish u helaan meel nabad ah oo ay ku noolaan karaa intaysan guryahooda ku noqon.

Qorshahan ayaa ka duwan siyaasadii Madaxweynihii hore ee Barack Obama maadaama mashruucan hirgelintiisa ay u baahnaan doonto in Maraykanka ciidamo dheeraad ah u diro dalalka Siiriya iyo Ciraaq, isla markaana qeybo kamid ah hawada dalalkaasi kusoo rogo xayiraada duulimaadka tilaabadaasi oo iyaduna noqon doonta hawl dheeraad ah.

Hase yeeshee Xukuumada Trump ayaa u muuqata inaysan weli heyn qorshe dhameystiran oo ay ku qeexayso qaabka ay ku hirgelineyso goobaha ay shaaciyeen inay ka dhisayaan gudaha dalalka Siiriya & Ciraaq.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *