Dallada Punsaa oo Guddoomiye Cusub Dooratay-Sawiro

Published: March 24, 2017

Shirweynihii 5aad ee dallada daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA oo muddo saddex maalmood ah ka socday caasimadda Garoowe ayaa lagu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye K/xigeen Cusub.

Faysal Axmed Warsame oo loo yaqaan faysal Qaran ayaa loo doortay guddoomiyaha Cusub ee dallada labada sanno ee soo socoto, wuxuuna wareegii labaad kaga adkaaday 53 cod guddoomiyihii hore ee dalladda Nuur shire cismaan oo helay 42 cod, iyadoo guud ahaan tiradda ergada codaysay ay ahaayeen 95 xubnood.

Guddoomiye K/xigeenka dallada ayaa loo doortay Mustafe Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ahaa guddiga joogtada ee Dalladda, iyadoo guddoomiye k/xigeenkii hore Saynab Ismaaciil uu xeer hoosaadka dalladu uu u diidayo inay mar kale isu soo sharaxdo iyadoo labo jeer hore ka mid noqotay guddiga joogtada.

Bidix, Guddoomiyaha Cusub iyo gudoomiyihii hore

Guddoomiyaha cusub ee la doortay waa Ganacsade si weyn looga yaqaan degaamadda Puntland, xarumo caafimaad ku hel caasimadda Garoowe , wuxuuna muddooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay arrimaha samafalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Gabagabadii, Dalladda Punsaa oo la asaasay sanadkii 2005tii, waa dallada kulmisa, xiriirisana Ururaddda bulshadda rayidka ah, Ganacsatadda, Xirfadlayaasha, iyo ururada Nabadoonadda, iyadoo ka shaqaysaa horumarinta xuquuqul insaanka, Dimqoraadiyadda iyo degaanka.


Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *